AWOODDA KALSOONIDA NAFTAADA
CALAAMADAHA LAGU GARTO QOFKA ISKU KALSOON
AWOODDA KALSOONIDA/RUMEYSADKA NAFTAADA

Dunida maanta ee tartanka iyo fursadaha buuxda ah, waxa ugu weyn ee qofka hor istaagi kara ma aha xaaladda uu ku jiro ama caqabadaha uu wajaho, balse waa sida uu naftiisa uga rumeysan yahay awoodiisa. Rumaysadka naftaada waa furaha ugu muhiimsan ee guusha, waxaana marar badan lagu tilmaamaa inuu yahay “tallaabada koowaad ee horumarka.” Haddii aad naftaada ku qanciso in aad wax qaban karto, waxaad horay u qaaday tillaabooyin badan oo muhiim ah.
Maxay Tahay Awoodda Kalsoonida Naftaada?
Kalsoonida naftaada waa awoodda aad ku aaminto in kartidaada, maskaxdaada, iyo dadaalkaaga ay ku filan yihiin in aad gaarto yoolalkaaga. Ma aha wax qof kale ku siin karo, mana aha wax laguu qoro, balse waa xaalad maskaxeed aad adigu ku dhisto. Marka aad naftaada aaminsan tahay, waxaad si fudud u qaadi kartaa go’aanno adag, waxaadna la kulmi kartaa xaalado cusub adigoon ka labalabeyn.
Kalsoonida Naftaada iyo Guusha
Qofka ku guuleysta nolosha kama duwana qofka kale ee caadiga ah; waxa keliya oo kala saara waa heerka uu naftiisa ku rumeysan yahay. Tusaale ahaan, dadka ganacsatada ah ee guuleysta waxay marar badan wajahaan guuldarro, balse waxa ay ku sii socdaan dadaalkooda sababtoo ah waxay rumeysan yihiin in guushu ugu dambeyn u imaan doonto. Rumaysadkani waa waxa ka dhigaya qofka mid aan ka daalin riyada uu leeyahay.
Sida Naftaada Looga dhiso Kalsoonida
- Bilow adigoo aqoonsanaya xooggaaga – Qof walba wuxuu leeyahay xirfado iyo hibooyin gaar ah. Markaad barato waxa aad ku fiican tahay, waxaad helaysaa kalsooni.
- Ka shaqee maskaxdaada – Erayada aad naftaada kula hadasho waa muhiim. Haddii aad mar kasta tiraahdo “waan kari karaa,” waxaad maskaxdaada baraysaa in fursad walba suurtagal tahay.
- Deji yoolal yaryar oo guul fudud laga gaaro – Markaad guul yar gaarto, waxay kugu dhiirrigelisaa inaad sii waddo.
- Ka baro khaladaadka halkii aad uga baqi lahayd – Guuldarradu waa macalin weyn, waxayna ka mid tahay waddada guusha.
- La joog dadka wanaagsan – Saameynta dadka ku xeeran ayaa muhiim ah. Haddii aad la joogto dad dhiirrigelinaya, rumaysadkaaga wuu sii xoogeysanayaa.
Saameynta Kalsoonida Naftaada ee Nolol Maalmeedkaaga
Kalsoonida naftaada ma aha oo keliya mid kaa caawiya inaad gaarto riyadaada, balse wuxuu sidoo kale wanaajiyaa nolol maalmeedkaaga. Waxay kugu dhiirrigelisaa inaad noqoto qof farxad badan, leh xasillooni iyo tamar. Marka aad isku kalsoonaato, xiriirrada aad la leedahay dadka kale way soo hagaagaan sababtoo ah qofka kalsooni leh mar kasta wuxuu soo jiitaa kalsooni kale.
Gunaanad
Awoodda rumaysadka naftaada waa hantida ugu qiimaha badan ee qofku leeyahay. Waa tiirka lagu dhiso guusha, farxadda, iyo horumarka. Haddii aad weli ka shakisan tahay awooddaada, xasuuso hal eray: “Guushu waxay bilaabataa marka aad naftaada rumaysato.” Marka aad naftaada aaminto, caqabad kasta waxay isu beddeshaa fursad, riyo kastana waxay isu rogi kartaa xaqiiqo.
Maareynta waqtiga https://hikimguide.com/sidee-waqtigaaga-u-maareyn-kartaa/
One Comment