MALARIA DISEASE (CUDURKA DUUMADA) QEYBTII 6AAD
Qeybtani waxaan ku arkidonnaa
- Sida sheybaar loogu baaro Malaria (Microscopic diagnosis for Malaria)
- Sida loo qaado blood Smear
- Farqiga udhaxeeya Thick & Thin blood smear
NOTES ABOUT THE LESSON (QORAAL KU SAABSAN CASHIRKA)


SHARAXAADDA SLIDE-KA 1AAD
BLOOD SMEAR (DHIIG FIRDHIN/BAAHIN/FAAFIN)
=> Waa hab sheybaadh oo qadiimi ah kaa oo isticmaalo in lagu baaro cudurka Malaria
Blood Smear Collection (Hab uruurinta dhiigga)
Steps (Talaabooyin)
- Dooro farta 2aad ama 3aad adigo nadiifinaya
- Dillaci farta; ku mud/dur cirbadda farta adigoo uga mudaaya/duraaya dhexbartanka (Meesha farta ka wareegsantahay)
- Si tartiib ah utuuji/riix meesha farta cirbadda uga mudday/durtay
- Taabsii dhalada yar (Microscopic Slide) dhibicda dhiig ah.

SHARAXAADDA SLIDE-KA 2AAD
DIYAARINTA THICK (TIQ/ADAG) IYO THIN BLOOD FILM (DHIIGGA QAFIIFKA AH)
Steps (Talaabooyinka)
- Ku dhibci dhiigga dhalada slide-ka iyadoo nadiif ah
- Ku fidi/faafi/ballaari dhibicdi dhiigga ahayd illaa 1 cm wareeg ah (Qori yar ku wareeji dhiigga adigon dhaafeynin meesha aad dhibicdi dhiigga ahayd aad ku dhibcisay)
- Ku dhibci dhalada slide-ka dhibic kale oo dhiig ah adigoo ku dhibcanaayo dhinaca kale ee isla dhalada slide-ki 1aad ah.
Cont… (Sii socosho)

SHARAXAADDA SLIDE-KA 3AAD
4. Dhibicdi dambe ee dhalada Slide-ka aad ku dhibcisay soo jiid adigoo kusoo jiidaaya/qaadaaya dhalo slide kale dushana uga qabanaayo dhalada Slide ee aad dhibicda dhiigga ah kusoo jiideyso una qabso qaab xagal 45 digree ah
5. Dhibicdi dhiigga ahayd soo jiid adigoo halmar bis kusoo jiidaayo.
6. Sug illaa inta dhalada Slide-ka ay ka qalaleyso inta aad sameynin Fixing (Adkeyn/dhajin/xajin iyo Staining (Midabeyn)

Qeybtii 7aad https://hikimguide.com/malaria-disease-cudurka-duumada-qeybtii-7aad/

One Comment