MALARIA DISEASE (CUDURKA DUUMADA) QEYBTII 3AAD
Qeybtani waxaynu uga hadlidonnaa
- Pathophysiology of the Malaria
- Stages of the plasmodium parasite
NOTES ABOUT THE LESSON (QORAAL CASHIRKA KU SAABSAN)

Sharaxaad kooban oo ku saabsan sawirka 1aad
PATHOPHYSIOLOGY OF THE MALARIA (QAABKA EE MALARIA QOFKA UGU DHACDO)
Meertada uusan cudurka duumada tarmeynin
- Duumada (Malaria) waxaa sababta oo faafisa/baahisa kaneecada mideeda dhedigga ah ee loo yaqaan “Anopheles” (Anoofalis) iyadoo dullinka sababa duumada ee la yiraahdo (Plasmodium) kasoo qaadeysa qof qaba cudurka duumada (Malaria disease) kuna mudeysa/ku dureysa qof caafimaad qaba sidaasne qofki cudurka duumada uu ugu dhacaayo.
- Markii kaneecada ay ku muddo qofka “Plasmodium” isla xilligaas/waqtigaas waxay qofka sidookale ku muddaa dhiigga “Sporozoites” oo ah marxaladda keenta caabuqa cudurka duumada kaas oo ka yimaada qanjidhada kaneecada (Salivary glands of the mosquito)

CONT…. (SII SOCOSHO)
Sharaxaad kooban oo ku saabsan sawirka 2aad
- Sporozoites-kii waxay aadi doonaan unugyada beerka iyagoo iskubadindoona halkaas hab loo yaqaan “Schizont” oo ah unug weyn oo ku samayma unugyada beerka iyo unugyada dhiigga cas-cas marka dullinka “Plasmodium” uu tarmaayo.
- Unugi weynaa (Schizont) wuxuu sameynayaa dillaac kadib wuxuu kusoodaynayaa wareegga dhiigga “Meroziotes” fara badan kaas oo ah unugyo yaryar ee ka dhashay dillaaca uu sameeyay “Schizont”
- Unugyada yaryar (Merozoites) waxay quutaan/cunaan “Hemoglobin”
- Meroziotes-ka waxay bilaabaan maraxalad loo yaqaan (Ring stage) kadibne waxay isku badalaan marxalad kale ee loo yaqaan “Trophozoite” kadib waxaa meeshaas ka billowda meerta kale ee loo yaqaan (Sexual cycle)
Qeybtii 4aad https://hikimguide.com/malaria-disease-cudurka-duumada-qeybtii-4aad/

One Comment